Raysal Wasaare Rooble Oo La Ciiday Shacabka Muqdisho

Published: May 13, 2021

Raysal wasaaraha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta boqolaal shacab ah salaada ciidda kula oogay masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa salaada ciida ku wehliyey xubno ka tirsan golahiisa wasiirada, xildhibaano, aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ee qaba daruufaha kala duwan, wuxuuna sidoo kale ku booriyey inay ka wada shaqeeyaan ilaalinta amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *