Rooble oo Muqdisho kawada kulamo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka

Published: May 13, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble iyo Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeeshay kulan ay uga wada hadleen xaaladda guud ee siyaasadda dalka ,arimaha doorashooyinka iyo adkeynta xasilloonida magaalada Muqdisho waana kii labaad oo maalmo gudohood ay yeeshaan.

Ra’iisul wasaaraha Xilgaarsiinta iyo madaxweynihii hore ayaa kulankooda ku gorfeeyay halka ay marayaan howlaha Geedi socodka doorashooyinka iyo caqabadaha ilaa hada u baahan xallinta qabsoomidda doorashada.

Rooble oo todobaadyo ka hor la wareegay hogaaminta arimaha doorashooyinka ayaan ilaa iyo hada wax talaabo muuqata u qaadin xalinta khilaafka hareeyay hirgelinta doorashada heer qaran waxaana jira caqabad badan kuwaasoo aan weli la xalin oo ay kamid tahay dhaqangelinta is afgaradkii laga gaaray xiisaddii ka dhalatay muddo kororsiga sharci daradda ahaa iyo dhexdhexaadin uu ka dhex sameeyo dhinacyada isku haya siyaasadda.

Sida muuqata waxaa fashil ku dhow shirkii uu todobaad ka hor iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen kaasoo kulmin lahaa Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Xukuumadda loogana waa arinsan lahaa xalinta qodobada la isku hayo ee sababta u ah qabsoomid la’aanta doorashada.

ill wareedyo laga helayo shirka ayaa ku waramaya in ay yar tahay rajada laga qabo in uu qabsoomo isla markaana ay suurtagal tahay in uu burburo ama ku yimaado dib u dhac wakhtigii loogu talagalay oo ah dabayaqaaqa Bishan May.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *