Cutubyo Ka Tirsan Booliska Soomaaliyeed Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

Published: May 14, 2021

Cutubyo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka lagu soo dhaweeyay.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Booliiska Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka.

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqodaan, howlgallada sugidda Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *