Madaxweyne Biixi Oo Gaaray Jabuuti

Published: May 14, 2021

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waxaana madaarka Xunbuli ee caasimadda Jabuuti ku soo dhaweeyey Raysal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Muuse Biixi iyo wafdigii safarka ku wehliyey oo ay ku jireen wasiirro ka tirsan xukuumadiisa ayaa ka soo qaybgali doona caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliland oo kamid wufuuda madaxda Soomaalida ee ka qaybgalaysa caleemsaarka Geelle oo markii 5aad ku guulaystay xukunka dalkaas ayaa lagu qaabilay hab maamuus lamida ka madaxda kale ee caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *