Rooble Oo Hambalyo U Diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Published: May 15, 2021

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta dhallinyarada Soomaalliyeed ee 15-ka May oo maanta ku beegan.

Raysal Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray dhallinyarada Soomaalliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in la xusayo sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Waxaa uu sheegay Rooble in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale  Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni.

“Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro ”

Raysal Wasaare Rooble

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *