Rooble Oo Ka Qaybgalay Caleemasaarka Madaxweynaha Jabuuti

Published: May 15, 2021

Raysal wasaaraha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad dib loogu doortay.

Rooble ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay inuu sii ambo-qaadi doono dadaalladaas.

Raysal Wasaaraha ayaa madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Wafdiga Rooble ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta ee Maaliyadda Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *