Farmaajo Oo La Kulmay Dhalinyarada Soomaaliyeed

Published: May 16, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa caawa la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed xaflad lagu maamusayo munaasabada xuska maalinta halgamayaashii dhalinyarada ahaa ee SYL oo ku beegan 15-ka May.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Farmaajo dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii ururkii gobanimo doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta dalalka Afrika.”

Farmaajo

Xaflada ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin guddoonka golaha shacabka, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo madax kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *