Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay Dhex dhexaadnimada RW Rooble

Published: May 16, 2021

Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shaki galiyay Howlaha hogaaminta arimaha doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Warsaxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta isla markaana loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay Golaha uu walaac ka qabo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad ka noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanaya dibadda.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu muujiyo Madax banaanidiisa hirgelinta arimaha Doorashada ee dhaaftay wakhtigii loogu talagalay iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada.

Horaantii Bishan May ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu la wareegay howlihii doorashada xiligaas oo uu balan qaaday in uu si hufan oo deg deg ah u maareyn doono hirgelinta doorashada dalka.

Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya xili 20-ka bishan oo Afar cisho ayna naga xigaan ay ku asteysan tahay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iclaamiyay in shir ay Muqdisho isugu imaanayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda laguna dardar gelinayo hirgelinta heshiis laga gaaro arimaha Doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *