Muqdisho: Hay’adaha Amaanka oo feejignaan ka muujiyay suurtagalnimada Qaraxyo dhaca

Published: May 17, 2021

Ilo wareedyo ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ajaanibta ah ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan in qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay soo galeen rag ku labisan jaakadaha qarxa kuwaas oo damacoodu yahay in ay weeraro ismiidaamin ah ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Fariimaha digniinta ee ay direen Hay’adaha Amaanka iyo Ajaanibta deggan Xerada Xalane ayaa loogu baaqay cidkasta in ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan maalmaha iyo saacadaha dhow.

Saraakiil katirsan Wasaarada Amniga ee dowladda Federaalka ayaa sheegay inay ka war hayaan xogahaan isla markaan ay sii laba jibaareen howlgalada ka dhan ka ah falalka amni daradda argagixisada.

Digniinta la xiriirta in ay qaraxyo ka dhici karaan Muqdisho ayaa imaanaysa xili Al shabaab todobaad ka hor ay weerar ismiidaamin ah ku dileen Saraakiil Boolis ah uu ku jiro Taliyihii saldhiga Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane,kadib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay saldhigga Booliiska degmada Waaberi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *