Rooble: “Waxaa socda Diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay oo ku qabsoomaya mudadii aan u qabanay

Published: May 17, 2021

Ra’iisul Wasaarada Xukuumadda Xil-gaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kooban kasoo saaray halka ay marayaan howlihii arimaha doorashada ee hogaaminteeda uu horey ula wareegay.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Rooble bogga Xukuumadda ay ku leedahay barta Facebook ayaa lagu sheegay in uu socdo diyaargarowga shirka 20-May isla markaana mudadii loogu talagalay in uu ku qabsoomo lagu qabanayo.

“Soomaaliya waxay galaysaa Doorasho , Waxaana socda Diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya mudadii aan u qabanay inshaa Allah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay RW Rooble.

Qoraalkan kooban ee kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la aaminsan yahay in uu jawaab u yahay qoraalkii shalay ay soo saareen Midowga Musharixiinta ee walaaca looga muujiyay dhexdhexaadnimada Rooble ee arimaha doorashada isla markaana loogu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment