Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddi u magacaabay Fatahaadada uu geystay webiga Shabeelle

Published: May 18, 2021

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddi u magacaabay fatahaadaha webiga shabeelle uu ka geystay deegaano katirsan Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa magacaabay gudiga ka kooban 16 xubnood, kuwaasoo ka howlgali doona sidiiwax looga qaban lahaa fatahaadaha webiga isla markaana loo soo bandhigi lahaa waxyeelada uu geystay.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad xoog leh ka geystay deegaanada HirShabeelle oo ay ugu horeyso magaalada Jowhar taasoo dadka kunool ay soo foodsaartay go’doon iyo khasaare kala duwan.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista Guddiga

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *