Axmed Madoobe Oo Shaki Ka Muujiyey Shirka Uu Ku Baaqay Rooble – VIDEO

Published: May 19, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa rajo xumo ka muujiyey shirka wadashiga qaran ee uu ku baaqay raysal wasaaraha xilgaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Jubaland oo waraysi siiyey BBC ayaa shaki ka muujiyey inuu Farmaajo u madaxbanaanayn doono raysalwasaare Rooble shirka uu ku baaqay ee doorashada, kaas oo berri la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

” Haddii sidii loogu talagalay wax u qabsoomaan, madaxweynuhu muddo xileedkiisu dhamaaday uu wareejiyo oo raysal wasaaraha la siiyo role-kiisa oo ahayd process-ka doorashooyinka iyo in raysal wasaaha loo daayo ilaalinta amaanka doorashada…”

Axmed Madoobe

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka wadatashiga doorashada, madaxda qaar ayaana caawa gaaray Muqdisho, waxaana kamid ah madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *