Qoor-qoor Oo Gaaray Muqdisho

Published: May 19, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle ayadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen qaar ka mid ah Wasiirada XFS, xubno ka tirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho u gaaray Shirka Wadatashiga qaran ee uu ku baaqay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, shirkaas oo lagu wado inuu barri si rasmi ah u furmo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *