Puntland: Imtixaankii Shahaadiga Oo Maanta Loo Fariistay

Published: May 22, 2021

Waxaa maanta deegaanada Puntland ka bilowday imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland, kaas oo ay sanadka dugsiyeedkan 2020/2021 u fariisanayaan 17, 735 Arday ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan).

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta si rasmiya u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland.

Ardayda dugsiyada sare ee sanadka u fariisanaysa imtixaanka ayaa tiradoodu tahay Shankun Todoba Boqol iyo Sideed (5,708) halka ardayda dugsiyada dhexe kasoo gudbaysana tiradoodu dhan tahay Laba iyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba arday (12, 027).

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegtay celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Alxamdulilaah Illah ayaa mahadi u sugnaatay Asaga ayaana ku mahadsan inuu nasiiyay Nabadgelyo