Shirkii Afisyooni Oo Furmay Iyo Farmaajo Oo Ka Maqnaa

Published: May 22, 2021

Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.

Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayuu rajo wanaagsan kaga muujiyey doodaha Shirka Madaxda, isla markaana ay noqon doonaan doodaha kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rajo weyn ka qabaa in doodaha siyaasadu ay noqdaan kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed isla markana dalku uu aado doorasho loo dhan yahay”

Axmed Madoobe

Shirkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa ka duwanaa shirarkii hore ee looga hadlaayay doorashooyinka dalka, waxaana Shirka furitaankiisa ka maqnaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamulka Doorashada wareejiyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *