UFayn Oo Laga Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland

Published: May 22, 2021

Gudigga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa degmadda Ufayn ee Gobolka Bari ka daah-furay hanaanka is-diiwaan gelinta codbixiyayaasha degmadda Ufayn iyo deegaanada hoos-yimaada.

Munaasabadaan heerkeedu sareeyo waxaa ka qayb-gallay gudoomiyaha gudigga KMG doorashooyinka Guuleed Saalax Barre, wasiiro, maamulka gobolka Bari, kan deegaanka, isimada dhaqanka, ururada Siyaasada, aqoon-yahan iyo marti-kale.

Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa maanta si wadajir ah uga socota seddex degmo ee sida hordhaca ah loogu tijaabinayo doorashooyinka qof iyo cod ee nidaamka dimuqraadiyada ee Puntland ku talaabsatay (Qardho, Eyl iyo Ufayn).

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *