Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Nidaamka Axsaabta Badan Ee Puntland

Published: May 23, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u hambalyeeyay ardeyda Puntland oo shalay u fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanadka 2020/2021, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Dowladda ee kala shaqeeyay in iyadoo adduunka uu ka jiro Cudurka Covid19, hadana ay ardeydu gelayso Imtixaanaadkii.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *