Xildhibaano $18 Kun Ku Wareejiyey Guddiga Xalinta Beelo Ku Dagaalamay Degmada Iskushuban

Published: May 24, 2021

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland ayaa maanta 18 kun oo doollar ku wareejiyey guddiga xalinta shaqaaqo beelo walaalo ah oo ka dhacday miyiga degmada Iskushuban, Xildhibaanada ayaa horey lacagtan uga balanqaaday shirkii lagu xalinayey khilaafka beelahan.Xildhibaanada lacagta bixiyey ayaa kala ahaa:

  • Xildhibaan Axmed Daad Yuusuf Diiriye
  • Xildhibaan Faysal Cumar Gees-diir
  • Xildhibaan Faarax Khaliif

Kulanka wareejinta oo ka dhacay beerta ceel-harre ee magaalada Qardho, ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Saciid Maxamed Faahiye, shiikh Axmed Yuusuf Daad, isimo iyo marti sharaf kale, waxaana ugu danbayn goobta loogu duceeyey xildhibaanada lacagta bixiyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *