Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Afisyooni

Published: May 25, 2021

Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galay maalintii 4aad oo xiriir ah.

Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay saddex qodobo oo dhowr jeer fashiliyay shirar looga hadlaayay Doorashada dalka ka dhaceysa uuna ka taagnaa khilaaf , kuwaasi oo kala ah arrinta Guddiyada doorasho, Gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Guddiga maareynta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii sabtida ka furmay  Teendhada Afisyooni ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah galay, waxaana ka qeyb galaya RW Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *