Xukuumada Rooble Oo Shaacisay Xiliga Lasoo Xirayo Shirka Madaxda Ee Muqdisho

Published: May 25, 2021

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan,

Shirka Wadatashiga oo todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wada hadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” 

Macalimuu

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *