Axmed Madoobe Oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

Published: May 26, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay hormuudka haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha kala duwan ee Dowlada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa ka qeybgalka haweenka ee arimaha Siyaasada.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Haweenka uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya, waxaana uu u balan qaaday inuu ka shaqeyn doono qoonddada haweenka.

Madaxweynaha ayaa u balan qaaday haweenka Soomaaliyeed inuu u halgami doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan isla markana uu ka shaqaynayo sidii doorashooyinka dhawaan dhacaya ay uga heli lahayeen qoondo ku filan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *