Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran Ee Doorashooyinka

Published: May 27, 2021

Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, halkaasi oo ay ku shirsanayeen Ra’iisul Warasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaaadir.

Qodobada War-murtiyaadka ayaa waxaa kamid ah in la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay,iyadoo muddo toddobaad gudihiis ah lagu magacaabayo isla markaana guddiga ay dooran doonaan hoggaan cusub.

In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.

In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Arinta Soomaalimad Waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaaraha asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha aqalka iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *