Axmed Madoobe Oo Heshiiska Doorashada Uga Mahadceliyey Rooble

Published: May 27, 2021

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka golaha wadashiga qaran ayaa uga mahadceliyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka, Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Islaam ayaa sheegay in madaxda Soomaalida ee ka qaybgashay shirkii Afisyooni ay muujiyeen dulqaad, taas oo keentay in la xaliyo arrimihii la isku khilaafsanaa ee doorashada.

Saaxiibada beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dardargelinta doorashooyinka, isla markaana lasoo garab taageeradooda lagama maarmaanka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *