Ciidamada Booliska Puntland Oo Xiray Fanaanka Sharma Boy

Published: May 28, 2021

Ciidamada booliska magaalada Garoowe ayaa xiray fanaanka Sharmaarke Cabdinaasir Maxamed oo loo haysto inuu sababteeda lahaa shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Gaari shilka galay oo uu dareewal ka ahaa fanaanka Sharma Boy ayaa waxaa ku dhimatay gabar, halka wiil kalena ku dhaawacmay, kadib markii ku qalibmay deegaanka Buurawadal oo hoos yimaada degmada Garoowe.

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in fanaanka gacanta lagu hayo, baaritaanna lagu samayn doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *