42 Kun Oo Arday Oo U Fariistay Imtixaanka Shahaadiga Ee Dowlada Federaalka

Published: May 29, 2021

Waxaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka lagu wadaa inuu si rasmi ah uga bilowdo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare oo qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka ayaa shaacisay in 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo arday ay maanta u fariisanayaan imtixaanka, kaas oo ka bilaabanaya Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka..

Imtixaanka ayaa socon doona muddo shan maalmood ah Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la geeyay goobaha imtixaanka lagu qaadayo kuwaas oo aad u adkeeyey amaanka si gaar ah wadooyinka soo galayo goobaha Muqdisho saakay imtixaanka ardayda ku galayso

Todobaadkii tagay waxaa soo idlaaday Imtixaan sanadkeedka fasalka 8-aad Dugsiga Dhexe oo ay galeen in ka badan 26-kun oo Arday, sanadkaan waxaa mas’uuliyadda dusha saartay maamulka Gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *