Farmaajo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Danjiraha Hindiya

Published: May 29, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Hindiya Virander Kumar Paul.

Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *