Puntland Oo Laga Daahfuray Wajiga Labaad Ee Talaalka COVID-19

Published: May 29, 2021

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta dEegaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac FAarax Xasan ayaa garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay u qaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qaataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya.

Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo, waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkodoa ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay.

Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qaataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.

Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *