Rooble Oo Xaqiijin Ku Samaynaya Cabashada Guddiga Doorashooyinka

Published: May 30, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddi heer wasiiro ah oo soo xaqiijiya caddeymaha xubnaha guddiga maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada laga soo gudbiyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in guddi heer Wasiiro ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha ku jira Guddiga doorashada.

” Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.”

Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *