Cutubyo ka tirsan Ciidan tababar kusoo qaatay Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Published: May 31, 2021

Cutubyo kamid noqonaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 7aad ee ciidanka kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Ciidankan kusoo dhaweeyay garoonka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka Jeneraal Bixii ayaa sheegay in Dowladdu ay dadaal galisay dhismaha ciidanka Xoogga dalka, isagoo kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay horumarinta iyo tayeynta ciidanka xoogga .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in hanaanka qoridda kumaandooska gorgor si aad ah looga baaraan dagay, isla markaana ay yihiin ciidan Qaran  oo dadka, dalka iyo Diinta in ay difaacaan loo dhaariyay loona carbiyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *