Madaxweynaha Jubbaland Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo

Published: May 31, 2021

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka doorashada soo socota.

Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayuu waxyaalihii laga heshiiyey waxaa kamid ahayd xaaladii gobolka Gedo, taas oo lagu dhameeyey in gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo madaxweynaha Jubbaland, isla markaana amnigana lagu wareejiyo AMISOM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *