Midowga Musharixiinta oo RW Rooble u gudbiyay Liiska xubnaha muranka dhaliyay ee Gudiga Doorashooyinka

Published: May 31, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xubnaha Midowga Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Soomaaliya isagoona ka guddoomay liiska xubnaha lagu muransan yahay ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed ee cabashada ay ka keeneen Musharixiinta.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Siyaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale kuwaasoo Ra’iisul Wasaare Rooble si deg deg ah uga dalbaday in laga saaro xubnaha cabashada laga muujinayo ee kujira gudiyada Doorashooyinka.

Dhawaan ayay ahayd markii heshiis laga gaaray hanaanka Doorashada dalka isla markaana madaxda heerarka kala duwan ay ku balameen soo gaba gabeynta arimaha keenay khilaafka doorasho ee dalka oo ay kamid tahay arinta xubnaha lagu muransan yahay ee ku jira gudiyada Doorashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *