Rooble oo magacaabay guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda

Published: May 31, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban 9 xubnood oo qaabilsan qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeendoonaan qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, waxaana Guddomiye u ah Guddiga Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe.

Guddiga ayaa ka shaqey doono qaban qaabada maalmaha xoriyadda, waxaana qofkasta looga baahanyahay in uu ka qeyb qaato xuska todobaadka xoriyadda dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *