Galmudug oo kala dirtay Guddigii dhismaha Golayaasha deegaanka

Published: June 1, 2021

Maamulka Galmudug ayaa wareegto ku kala diray guddigii farsamada dhismaha golayaasha deegaanka kadib khilaafka xoogeystay oo sababay habka loo wajahayo dhismaha golayaasha deegaanka ee Galmudug kaasoo uu xilkiisa ku waayay wasiirkii arimaha gudaha Galmudug.

Wareegto ka soo baxday Wasiir kuxigeenka Arimaha gudaha Galmudug ahna sii hayaha xilka wasiirka ayaa lagu kala diray guddigan farsamo ee dhismaha Golayaasha deegaanka Galmudug.

Wareegtada kala dirista guddigan ayaa qodobada loo cuskaday waxaa kamid ah khilaaf ka dhexjira xubnaha guddigan kaasoo salka ku haya habraaca dhisidda golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Hoos ka akhriso wareegtada kala dirista Guddiga

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *