Madaxweyne Deni Oo Maray Diiwaangelinta Codbixiyaasha Degmada Qardho – VIDEO

Published: June 1, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta iska diiwaangeliyey mid kamid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee magaalada Qardho, madaxweynaha ayaa maray hanaanka biometriga ah si uu uga mid noqdo codbixiyayaasha doorashada goleyaasha deegaanka seddex degmo ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay guddiga Doorashooyinka ee TPEC iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada iyo waliba bahda saxaafada oo uu sheegay inay door muuqda ka qaateen hirgelinta hanaanka dimuqraadiyada ee ay ku talaabsatay Puntland.

Dhanka kale diiwaangelinta madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maanta magaalada Qardho lagu soo gunaanadayo shaqada diiwaangelinta codbixiyayaasha taas oo soo socotay 13 cisho iyo 4 berri oo gadaal lagaga daray, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga KMG Doorashooyinka Gobolka Karkaar, Maxamuud Ismaaciil Salaad.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *