Somaliland: Codbixinta Doorashada oo lasoo gaba gabeeyay

Published: June 1, 2021

Waxaa lasoo gaba gabeeyay codbixinta Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo markii ugu horeysay si wadajir ah loo qabtay.

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in lixdii makhribnimno ee xalay ay badi goobaha codbixinta kasoo dhamaatay codeynta codbixiyayaasha doorashada.

Inkastoo aan la qiyaasi karin natiijada hordhaca ah ee doorashada hase ahaatee Xisbiyada ayaa mid waliba rajaynaya in uu codad badan ka helo codeynta doorashada la qabtay.

Doorashada Somaliland oo ah tii 7-aad ee la qabto ayaa noqonaysa tii ugu codbixinta badnayd abid isla markaana ay dadweynuhu safaf dhaadheer u galaan codbixinta doorashadan isku sidkan ee Golayaasha wakiilada iyo Deegaanka.

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa horey u shaaciyay dad ka badan Hal Malyan oo ruux in ay codadkooda dhiibanayaan hase ahaatee tiradaasi lama oga in ay shalay u dareereen goobaha codeynta doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *