Axmed Madoobe: ” Xukuumadaydu waxay awood siin doontaa horumarinta dhaqaalaha…”

Published: June 2, 2021

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada cusub.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in waajib culus uu horyaalo Xukuumada, oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta.

Madaxweynaha ayaa xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door muhiim ah ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa bulshada deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu intaas kusii daray Madaxweyne Axmed Madoobe in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *