Baarlamaanka Jubbaland Oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

Published: June 2, 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xaruntooda kulamada ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu Ajendihiisu ahaa ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, waxaana ogolaaday ansixinta Golaha 50 xildhibaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, ma jirin Madane diiday.

Guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada Codeynta ayaa waxaa uu sheegay in la ansixiyay xubnaha Golaha Wasiirada cusub, isla markaana faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

20-kii bishii lasoo dhaafay ee May ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu soo dhisay Xukuumadda Cusub oo ka kooban Gole Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno & Wasiiru dowlayaal, kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib marka la dhaariyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *