Cabdi Xaashi Oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Ee Waqooyi

Published: June 2, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Guddiyada doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay labada Guddi ee doorashooyinka iyo kuwa xalinta khilaafaadka ee Kuraasta Somaliland, kuwaasi oo ka kooban 6-xubnood ee loo qoondeeyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu shaaciyay in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu xubnihii laga sugayay u soo gudbiyay Xafiiska Rooble.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *