Gaalkacyo:Puntland oo Xukun ku riday Eedeysanayaal ka tirsan Alshabaab

Published: June 2, 2021

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta u fariisanaysa dhageysiga dacwada garmaqalka eedeysanayaal loo haysto kamid ahaanshaha ururka Alshabaab.

Eedeysanayaashan oo tiradooda ay gaareyso shan nin ayaa horey dil toogasho waxaa ku xukuntay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Puntland ee gobolada Mudug iyo Cayn.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Maxkamadda Eedeysanayaasha ayaa waxa ay soo dhameysteen mudadii Racfaanka aheyd ee 30 Cisho waxaana maanta Maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland u fariisaneysa wajigi labaad ee Kiiskan.

Eedeysanayaashan gaaraya Shanta nin ayaa ah Shabakaddi uu Horjoogaha u ahaa Feysal Gujis oo horey loogu fuliyay xukun dil toogasho ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *