Kolonyo gawaari uu la socday Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo la rasaaseeyay

Published: June 2, 2021

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho Kolonyo gawaari uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ku sugnaa bar-kantarool ayaa rasaas ku furay kolonyada gaadiidka Madaxweyne hore Xasan Sheekh hase ahaatee ma jirto khasaare nafeed oo ka dhashay rasaasta ay fureen Ciidanka.

Warar kale oo soo baxayaa ayaa sheegaya in is-rasaaseyn ay dhexmartay Ciidamada ilaalada madaxweynihii hore XSM iyo Ciidamada Booliiska ee bar-kantaroolka ku sugnaa hase ahaatee aan lasoo sheegin khasaare nafeed marka laga reebo khasaare gaadiidka gaaray ee rasaasta.

Majirto Ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dowladda kaasoo ku saabsan sababaha keenay In la rasaaseeyo kolonyada gaadiidka uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *