Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilal cusub magacaabay

Published: June 2, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilal u magacaabay Agaasimayaal cusub Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar halka sidoo kalena Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loogu magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Sida muuqata agaasimayaashii horey xilalka u haya ayaa shaqada laga eryay iyadoo agaasimayaashan cusub ay sii wadi doonaan shaqooyinkii wasaaradahan oo ah kuwa ugu shaqada badan ee Xukuumadda .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *