Faahfaahino kasoo baxaya Qarax bambaano oo xalay ka dhacay Kismaayo

Published: June 3, 2021

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Qarax bambaano oo xalay lagu weeraray isgoys ay magaalada Kismaayo kaga sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Ilaa todobo ruux oo u badan dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxan bambaano oo lala beegsaday isgoys lagu magacaabo Somali Star oo kamid ah isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Kismaayo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa kamid haweenay caano ku iibinaysay hareeraha isgoyska waxaana la sheegay dhaawaca gaaray inuu yahay mid culus.

Taliska Ciidanka Jubaland ayaa sheegay in qaraxan ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab ku talagalkooduna uu ahaa in ay waxyeelaan shacab aan waxba galabsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *