GEDO: Khasaare ka dhashay duqeymo ay fuliyeen Diyaaro dagaal

Published: June 3, 2021

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drons-ka loo yaqaan ayaa la sheegayaa in ay duqeymo ka fuliyeen deegaano kamid ah deegaanka Ceel-cadde,Dhamaso,Warguude,Qulqul iyo deegaano kale ayna jiraan khasaare ka dhashay duqeymahaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeymaha ay khasaare u geysteen dad rayid ah gaar ahaan qoys ka kooban laba caruur ah iyo Hooyadood kuwaasoo ku geeriyooday duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cadde.

Deegaanada duqeymaha ay ka geysteen diyaaradaha Drons-ka ayaa hoosyimaada degmooyinka Baardheere,Ceelwaaq,Garbaaharey iyo Beledxaawo.

Ilo Wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay deegaanadan ay kasoo kaceen dalka Kenya hase ahaate lama oga cidda fulisay duqeymahan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duqeymahan ay diyaaradaha dagaalka ka geysteen deegaano ku yaala gobolka Gedo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *