Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabis sameeyay

Published: June 3, 2021

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa Gobolka Bakool u magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Gargaarka iyo Samafalka ee gobolkaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Cumar Daa’uud Khaliif inuu noqdo Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Gargaarka iyo Samafalka ee gobolka Bakool kadib talo soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur galbeed.

Masuulkan la magacaabay ayaa la faray in uu si wanaagsan uu u guto waajibaadkiisa Shaqo ee looga xilsaaray Gobolka Bakool oo kamid ah gobolada ay saameeyeen xaaladaha Bini aadantinimo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *