Muqdisho: Dhalinyaro Ku Geeriyooday Xeebta Liido

Meydka afar dhalinyaro ah ayaa kusoo caariyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegey in mid kale la la’yahay tan iyo khamiistii markii ay dabaal u aadeen xeebta Liido.

Dhalinyaradan ayaa qaar kamid ah waxay kamid ahaayeen ardaydii dhameysatay imtixaanaadka shahaadiga ee sanadkaan, iyagoo ka qalin jabinayay dugsiyada sare ee dalka.

Qoysaska dhalinyaradan ayaa tan iyo maalintii uu falkaan dhacay waxay ku gaaf wareegayeen xeebta Liido, si ay nolol iyo geeri u helaan ubadkooda.

Saddex kamid ah maydadkooda ayaa la helay isla maalintii khamiista, halka mid kalena ay maanta xeebtu soo caarisay. Welise waxaa maqan midkii shanaad oo la baadi goobayo.

Dhalinyarada geeriyooday oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan koox kubada cagta ah oo ka dhisan degmada Yaaqshiid, ayaa maalintii khamiistii xeebta u tagay si sawirro ugusoo galaan.

Hase ahaatee, markii dambe qaar kamid ah ayaa ku taliyay in ay xeebta ku dubaashaan, taasoo keentay in qeybtood ay baddu la tagto.

Horseed Media