Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in Alshabaab badan lagu laayay Sh.Dhexe

Published: June 5, 2021

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in horjoogayaal ka tirsan Al-shabaabay ku dileen dagaal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Col: Cali Xaashi oo la hadlayay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in howlgalo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanka Warta-Jilable ee gobolka Shabeelaha dhexe ay ku dileen ku dhawaad 100 ka mid ah maleeshiyaadka argagaxisada  oo isugu jiray horjoogayaal iyo dagaalamayaal sida uu sheegay afhayeenka.

Col. Cali Xaashi ayaa tilmaamay in Ciidanka Milatariga dalka ay howlgallo ka wadaan deegaanada howdka ah ee udhow degaanka Warta Jilable ayna baacsanayaan maleeshiyaadka firxadka Al-shabaab.

Dagaal xooggan oo khasaare kala duwan geystay ayaa maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka iyo Alshabaab waxa uu ku dhexmaray deegaano kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaana jira khasaare Ciidanka kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo dagaalka ku geeriyooday ayaa shalay aas qaran loo sameeyay iyadoona dhaawacyada Ciidanka loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dabiibo cidbitaalka Ciidanka Xoogga dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *