AMISOM: “Baaritaan ayaan ku sameynaynaa Duqeymaha Ciidanka kenya ka fuliyeen Gedo

Published: June 6, 2021

Warsaxaafadeed ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM ay baaritaan ku wado duqeymo ay maalin ka hor ciidanka Kenya ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

“Howlgalka ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan”.

ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka AMISOM

AMISOM ayaa Warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.

Maalin ka hor 4-tii June war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyey duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *