Natiijada Doorashada Somaliland ee gobolka Maroodijeex oo la shaaciyay

Published: June 6, 2021

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqay natiijada Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee gobolka ugu balaaran Somaliland ee Maroodijeex.

Natiijada Doorashada gobolkan oo lawada sugayay ayay Guddiga Doorashooyinka shaaciyeen in Xisbiyada ay kala heleen natiijooyin isku dhow codeynta doorashadii dhacday.

Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Golaha wakiilada ka helay 8 Xildhibaan iyadoo Xisbiga Wadani uu helay 7 Xildhibaan halka sidoo kalena Xisbiga Ucid uu ka helay Golaha wakiilada 5 Xildhibaan.

Sadexda Xisbi ee Somaliland ayaa sidoo kale Golaha deegaanka Hargaysa waxa ay kala heleen natiijooyin isku dhow waxaana hogaanka Natiijada Golaha deegaanka qabtay Xisbiga Wadani oo helay 7 halka sidoo kale Xisbiyada kale ay heleen 6 Kulmiye iyo 4 Ucid ah.

Musharixiinta ka tartamayay Xisbiyada ee aad loogu saadaalinayay in ay soo baxayaan ayaa natiijooyin wanaagsan ka helay doorashada sida Barkhad Batuun oo markii ugu horeysay Somaliand taariikh ka dhigay isagoona si aqlabiyad leh u helay codad badan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment