Puntland: “waxaan si dhab ah uga hortagnay damicii Maamulka gobolada Waqooyi

Published: June 6, 2021

Xukuumadda Puntland ayaa markale sheegtay in ay fashilisay damicii maamulka Somaliland uu ku doonayay in uu gobolada Sanaag ,Ceyn iyo Sool uga qabto Doorashada Golaha Wakiilada iyo deegaanka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Puntland Maxamed Musaddaq Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay ku guulaysatay damicii ahaa in gobolada Sool, Sanaag ,Haylaan iyo Cayn Somaliland ay ka qabato diiwaangelinta doorashada Somaliland ,Waxa uu sheegay inn Somaliland ay iskudayeen In deegaanada Miyiga ay ka qabtaan diiwaangelinta doorashada hase ahaatee ay sidoo kale arintaasi fashiliyeen.

Maxamed Musaddaq Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in bulshada kunool gobolada Sanaag,Sool.iyo Ceyn ay taageersan yihiin isla markaana ay si buuxda uga qayb qaadanayaan hanaanka socda ee Dimuquraadiyadda Puntland.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili Natiijooyinka soo baxay Doorashooyinka Somaliland laga waayay Xildhibaano kasoo baxaya gobolka Sanaag taasoo cadeyn u ah fashilka Somaliland ka raacay gobolkan maadaama aysan codeyn doorasho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *