Rooble oo Agaasime Cusub u magacaabay Wasaaradda Arimaha Gudaha

Published: June 6, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo mudooyinkii dambe waday magacaabista Xilal cusub ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa uu u magacaabay masuul cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Saciid Cabdullaahi Calasow waxaa loogu magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Magacaabista Agaasimahan Guud ayaa kusoo aadaysa iyadoo lagu guda jiro xiligii kala guurka isla markaana diyaargarow loogu jiro qabsoomidda Doorashada Dalka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu Agaasime Guud u magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga lamana oga sababta ka dambeysa magacaabistan joogtada ah ee Xilalka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *